Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarka ka dhacay Mareykanka

Date:

Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambeereysay toogashadii bahalnimo ee ka dhacday magaalada Les Vegas ee Dalka Mareykanka,taasi oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhawac soo gaarey dad badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyadeeyey Dowladda iyo Shacabka Mareykanka dadkii ku dhintay weerarkii Argagixisanimo  ee lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen dadbadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Framaajo ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Mareykanka islamarkaana meel looga soo wada jeesto ficilada xun xun oo ay ku dhaqaaqayaan kooxaha Argagixisada.

Dahnka kale Booliska Mareykanka ayaa baaraya dil wadareedkii ka dhacay magaalada Las Vegas kaas oo la sheegay inuu yahay midkii ugu xumaa ee sanadahan dambe ka dhacay waddankaasi.

Ninkan ayaa guriga uu deganaa waxaa laga helay qoryo, rasaas iyo waxyaalo qarxa oo aad u tira badan,waxaa weerarkaasi ku dhintay dad gaaraya 50 qof halka 100 in ka badana ay ku dhaawacmeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka kobaad ee dalka oo codkiisa saakay ka dhiibtay D.Hodan ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilaawday...