Gudoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada AMISOM

Date:

Taabid Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lakulmay Saraakiisha Ciidanka AMISOM waxaana uu kala hadlay inay qeyb ka taaqaan suggidda Amniga Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Taabid Cabdi Maxamed kulankaan uu la qaatay  Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa qeyb ka ah Didaalada Maamulka Gobolka Banaadir uu ka qaadanaayo Xaqiijinta Amaanka Caasimada .

Guddoomiyaha ayaa yiri “Waxaan maanta oo Jimca ah xafiiska ku qaabilnay wafdi ka socday AMISOM iyo Safiirka Uganda ee Soomaaliya u fadhiya. Waxaana ka soo baxay qodobadan:

1. In raalin gelin buuxda ay ka bixiyaan falkii dhacay 26 September ee isgoyska KM4.

2. In isla xisaabtankii la fuliyay oo darawalkii iyo taliyihii kolonyada AMISOM labaduba la xabisay oo ay xiranyihiin.

3. In marka uu baaritaanka soo dhamaado magdhaw la siiyo muwaadiniintii dhibka loo geystay.

4. In guddi farsamo aan u saarno soo diyaarinta qorshe dhameystiran ee shillalka soo noqnoqday iyo sidii loola tacaali lahaa iyo sidookale wada-shaqeynta guud.

Ciidamada Midowga Africa ee jooga Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ay gaystaan dhibaatooyin soo gaara Shacabka Soomaaliyeed sida in ay Gawaaridoodu jiiraan dad rayid ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund –...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...