Dawladda Federaalka ayaa si kulul u cambaareysay falkii argagaxisada ee qaraxa ee Kaalinta Shidaalka Ceelgaab

Date:

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysan falkii ay maanta kooxda nabad-diidka ah ee argagaxisada Al-Shabaab ku dileen shacab aan waxba galabsan.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay Kaalinta Shidaalka Ceelgaab hortiisa ayaa qarxay galabta oo gaari caasi ah oo rakaab shacab ah siday la kulmay qaraxaas oo 7 ruux ay u geeriyoodeen, halka 8 uu dhaawac ka soo gaaray. Ciidanka amniga ayaa isla markiiba u gurmaday oo dhaawacii la geeyey isbitaalada si loo dhabiibo.

Kooxaha argagaxisada ayaa caadeystay inay shacabka bar-tilmaameystaan, tanoo ah fal fuleynimo ah oo ay ku raadinayaan in Al-Qaeda u sheegaan inay weli Soomaaliya joogaan.

Dawladda Federaalka ayaa si kulul u cambaareysay falkan argagaxisadu la beegsatay shacab aan waxba galabsan. Dawladda ayaa qoysaskii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeysey intii ku geeriyootay, una rajeysey inta dhaawaca noqotay inuu EEBBE u fududeeyo oo ay caafimaad waara helaan.

Kooxaha argagaxisada ayaa ka soo horjeeda horumarka dhanka amniga ee isa-soo taraya, waxeyna rabaan in shacabku argagaxo oo dawladnimada iyo nabadu wiiqdo. Dawladda Federaalku wey ka go’antahay inay laba jibaaraan dadaalkooda sugida amniga iyo nabadeynta oo falalka noocan oo kale ah waxey keeneysaa in la xoojiyo amniga iyo nabadeynta. Kooxda argagaxisada oo naf ka bideysa qaraxna, waxey ogaanayaan in shacabka iyo Dawalddu geesinimo ka sii qaadayaan oo meel looga soo wada jeesanayo.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...

Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS)...