Guddoomiye Thaabit “Caddaalad ayey heli doonaan muwaadiniintii ay dhibka u geysteen Gaadiidka AMISOM”

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Muadne Thaabit Cabdi Maxamed oo uu wehliyo Guddoomiyaha Degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhib ay u geeysteen gaadiidka Ciidamada AMISOM, xilli ay marayeen Wadamada KM4 ee magaalada  Muqdisho.

Thaabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in ay wada hadleen Madaxda ugu sarreeysa Ciidamada AMISOM, dhibka ay geeysteenna uu kala hadlay, isagoo tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalad ay ku heli doonaan dhibaneyaasha.

“Waxaan la kulmay muwaadiniintii ay dhibka u geysteen ciidamada Amisom, Alxamdulilah way nabad qabaan, cadaaladna way helidoonaan dhawaan” Guddoomiye Thaabit ayaa sidaasi Bartiisa Twitterka ku daabacay.

Dhanka kale Warsaxaafadeed ay soo saareen ciidanka AMISOM ayaa lagu caddeeyay in gaariga shilka geystay uu ahaa mid ciladeysan, ayna ka raali gelinayaan muwaadinkii gaariga dhibta loogu geystay KM4, ayna diyaar u yihiin inay arrintaasi xaliyaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...