Puntland oo ugu baaqday ganacsatada hubka heysta in ay Hubkooda Sharciyeeyaan.

Date:

Wasiirka Amniga ee Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf oo Wariyeyaasha maanta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulkaasi ayaa ka hadlay guud ahaan Xaaladda Amaan ee puntland iyo Howlgallo Ciidamada Amaanka ay ka bilaabeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, laguna baadi goobayo Hubka shar darrada ah.

Axmed Cabdullaahi Yuusuf Wasiirka Amniga Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay Ganacsatada iyo Hay’adaha aan Dowliga aheyn ee  heysta Hubka Sharci darrada ah in hubkooda ay sharciyeystaan, si loo oggaado tirada hubka ay heystaan, lagana warhaayo.

 Wasiirka Amniga Puntland ayaa xusay in arrintaasi ay keeneyso in la adkeeyo Amaanka, islamarkaana Ciidamada ay u fududaaneyso in ay gacanta ay kusoo dhigaan dadka amni darrada abuura ee hubka sharci Maamulka aan u diiwaan gashaneen heysta, isagoo Shacabka ugu baaqay in Ciidamada ay la shaqeeyaan.

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf, oo sii hadlayey ayaa sheegay in hubka ay sharciyeynayaan uu ugu weyn yahay Qorigaloo yaqoono AK47, ayna oggoleyn hub qorigaasi ka weyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...