Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo Muqdisho ka dhacay

Date:

Shilkan gari oo ka dhacay aroornimadii saaka  ka dhacay Isgoyska Nasiib Buundo ee Degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa ka dhashey khaaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa 3 qof ayaa ku geeriyootay tiro badan oo gaariga la socotayna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaarey kadib markii uu rogmaday gaari nuuciisu ahaa Yuudhii oo ay saarnaayeen  Shaqaalaha  muruq malka ah ee ka shaqeeysa caasimadda Muqdisho..

Qaar kamid ah dadkii shilkaasi ka bad baaday ayaa shegay in ay arkayeen meydadka ilaa 3 qof iyo dad ka badan 20 qof oo siyaabooyin kaladuwan u dhaawacmay.

Wadihii gaariga ayaa la sheegay in uu waayay Bareegii garigaasi, taasi oo keentay in uu rogmado,wuxuuna ahaa gaari inta badan dadka muruq maalka ah soo qaadi jirey.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalada magaaalada Muqdisho,si loo daweeyo,iyadoo dadka inta badan uu soo gaarey dhaawac fudud,halka qaarna ay ka bad baadeen gaarigasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...