Kulan looga hadlayay sugidda Amniga Dalka oo Muqdisho ka dhacay

Date:

Kulankani oo ujeedkiisu ahaa sidii loo sugi lahaa guud ahaan ammaanka Dalka Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo diblomaasiyiin caalami ah ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa si wada jir ah u shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane MAxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Danjiraha Midpowga Yurub u fadhiya Soomaaliya,iyaduu ay goob joog ka ahaayeen taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal C/xakiin Daahir Siciid Saacid iyo wafuud ka socotay Dowlad Goboleedyada Dalka kajira.

Waxyaabaha ugu muhiimsan oo shirkaasi la iskula soo hadal qaadey waxaa kamid ahaa dhaqan gelinta qodobadiid la xiriira dhanka amniga Dalka Soomaaliya,kuwaasi oo ka soo baxay shirkii Lodon dhawaan ka dhacay.

Wasiirka Amniga  gudaha Maxamed Abukar Islow Ducaale oo shirka furay ayaa sheegay in uu shirkaan daba socdo shirar hore oo ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka,kuwaasi oo ujeedkoodi ahaa  sidii loo dhisi lahaa ciidamo Qaran oo isku dhaf ah,islamarkaana ciidamadu ay isku diyaariyaan sidii Ammaanka Dalka ay uga la wareegi lahaayeen AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...