Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey AntΓ³nio Guterres

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Xogahaya guud ee Qaramada Midoobey AntΓ³nio Guterres, waxayna kala wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyey AntΓ³nio Guterres, sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey xarunta Qaramada Midowbey, sidoo kale wuxuu ka warbixiyey guulihii ay Dawladda Soomaaliya gaartay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka intii uu socday ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka hadlay arrimo la xiriira nabad gelyada iyo siyaasadda qaranka, isla markaana waxuu ka codsaday Qaramada Midoobey in taageero buuxda la siiyo si ay uga hortagaan khatarta ururada argagixisada sida Al-Shabaab.

AntΓ³nio Guterres ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto dawladda Soomaaliya. Isagoo boggaadiyey guulo la taaban karo ee ay ku gaartay waqtiga kooban.

—DHAMMAAD—-Β 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Dalladda SORECA kala hadashay horumarinta kaabayaasha iyo magaalooyinka

MUQDISHO | 15 Abriil 2026 – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha...