Dowladda Federaalka oo dhiirigelineysa Bandhigga TEDxMogadishu 2017

Date:

Mogadishu (SONNA) – Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Hay’ada TEDxMogadishu ayaa soo dhoweeyey isla markaasna dhiirigeliyey Bandhiga TEDxMogadishu oo maalinta Khamiista 20ka April 2017 laguna qaban doono Muqdisho, Soomaaliya.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “TEDxMogadishu waxey ku ammaananyihiin doorkooda ay bulshada ku gaarsiinayaan horumarka dalka ka jira oo ay marwalba ku soo bandhigaan sawiro, barnaamijyo, farshaxan, sawir gacmeed iyo sida ay marwalba uga shaqeeyaan isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed. Dowladda Federaalku waxey aad u soo dhoweyneysaa Bandhiga TEDxMogadishu ee sanadkan oo ay mowduuc uga dhigeen Iskaa Wax U Qabso si bulshada loogu dhiirigeliyo inay dalkooda dhistaan.”

Caasimadda Muqdisho ayaa ah mid dib u soo bilicday oo bulshada Soomaaliyeed ay ku muujiyeen sida ay wax u qabsan karaan, oo dhalinyarada, ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshadu ay maalin walba door ka qaataan quruxda iyo bilicda Muqdisho iyo gobollada kale.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Soomaalidu waa dad ku fiican ganacsiga, is-dhexgalka, is-kaalmeynta iyo gancsi-wadaaga oo keentay in shacabku ay dalkooda dib u dhistaan. Waxaana farxad ah in TEDxMogadishu ay sanadkan 2017 mowduuca ay xusheen uu noqday Iskaa Wax U Qabso oo Soomaalida taariikh weyn ku leh, ahaana mashruucii dalka lagu soo dhisay oo ay bulshadu si hagar la’aan ah uga wada qeybqaateen. Maantana waxaa la joogaa waqtigii dib loo soo nooleyn lahaa barnaamijkaas Iskaa Wax U Qabso.”

Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa si toos (live) ah u soo tabin doona bandhiga TEDxMogadishu, Khamiista 20ka April 2017, iyadoo qof walbana laga codsanayo inuu kaalin ka qaato sidii quruxda iyo horumarka dalka ka jira loo gaarsiin lahaa caalamka si fikirka laga qabo Soomaaliya loo saxo. Soomaaliya Soomaali baa iska leh, sidaas daraadeed qof kale kuuma qabanayo howshaada oo ah soo celinta sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha
media@moi.gov.so ama sidiqfaarax@gmail.com

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka madasha bani’aadannimada Soomaaliya oo si rasmi ah looga furay magaalada Baydhabo

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2025), oo ay...

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in halgankii ay...

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga, Ibraahim Cumar...

Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...