Faah-faahin kasoo baxaysa qarax Saaka ka dhacay Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SONNA)-C/qaadir Cusmaan Faarax (Dr;yare) ayaa dhawaan u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Miino loogu xiray Gaarigiisa, xilli uu marayay agagaarka Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoorre, ayaa Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay geerida marxuumka.

Wuxuuna intaa ku daray guddoomiyuhu Xamar Jajab in Dr;yare uu ka tirsanaa Wasaaradda waxbarashada ee Dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray cutubyo ka tirsan laamaha ammaanka ee Soomaaliya, si ay u sameeyaan baaritaanno.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashada K/Galbeed

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DALKA JABUUTI.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...