Taliyihii hore ee NISA oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad been abuur ah

Date:

Taliyihii Hore Ee Hay’adda NISA Gen Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud Ayaa Beeniyay Warqad Been Abuur ah Oo Lasoo Dhigay Baraha Bulshada, Taas oo lagu Sheegayo in loo Magacaabay Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.
Gen Gaafoow Ayaa Sheegay in uu Garanayo Kooxaha Ka dambeeya Been Abuuka intaa la Eg, isagoo sheegay in ay ku suganyihiin Hoteelada.
Gaafoow Ayaa Nasiibdarro ku tilmaamay in La Muduufikeeyo Saxiixa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna dalbaday in talaabo laga qaado kooxaha arrintaan ka dambeeyay.
“Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay, Hoteelada magaalada Muqdisho ayay ku suganyihiin, waana fool xumo in dadka farsameeyay Saxiixa Ra’isul Wasaaraha in iyagoo la yaqaano ay ku dhex suganyihiin Hoteelada Ku yaala Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Gen Gaafoow.
Gen Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa ku baaqay in la ilaalayo nimaadka iyo Dowladnimada, taas oo uu xusay in halgan dheer loo soomaray halka maanta la joogo .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

Gudoomiyaha hay’adda SoDMA oo Baydhabo gaaray

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha UK

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Wasiir Fiqi oo qurbajoogta kala shiray doorkooda la dagaalanka argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...