20 Qof Oo Haween u Badan Oo Ku Geeriyooday Qarax Miino Shabeellaha Hoose

Date:

Muqdisho,(SONNA):-inta la xaqiijiyay 20 Qof oo Haween u badan ayaa ku geeriyootay Qarax Miino oo lala eegtay Gaari PL ah oo Marayay Deegaanka Golweyn ee Duleedka Magaalada Marko Ee Xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose.

3 Qof oo dhaawac daran ah ayaa ka soo hartay rakaabkii la socday gaarigaasi, kuwaa oo ku wajahnaa Magaalada Marka.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in Dadka Saarnaa Gaarigaasi la qarxiyay ay ahaayeen Haween ku guda jiray Howlo Ganacsi ah, isagoo ku tilmaamay musiibo qaran.

“Musiibo weyn ayaa maanta ka dhacday gobalka, 23 qof oo haween u badan oo la socday gaari Caasi ah ayaa miino kula kacday deegaanka Golweyn, magaalada Marko ayay ku sii socdeen, 3 qof oo dhaawacyo culus qaba ayaa ka badbaaday musiibadaasi, 20 qofna weyn dhinteen” ayuu yiri Mudane Najax.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa miinadaasi ku aasay wadada, iyadoo dhibaato xoog leh u geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah,...

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...