Xulalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulan saaxiibtinimo ku wada cayaari doono Muqdisho

Date:

Wasiirka Wasaarrada dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka codsatay safaarradda Jabuuti ee Soomaaliya in xulka kubadda cagta Jabuuti ay ciyaar saaxiibtinimo ay ku ciyaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo la dheellayo dhiggooda Soomaaliya.

“Guddiga Olombkada iyo xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, annagoo isku-duubban waxaan rabnaa xulka Qaranka Jabuuti inaan ku martigellino cayaar saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayaan xulka kubadda cagta Soomaaliya.” Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warkan ka sheegtay munaasabad ay kula wareeggeysay agab Isboorti oo ka yimid dowladda Jabuuti.

Waxa ay intaa ku sii dartay: “Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carrab iyo walaalkeen Suleymaan Xasan Waberi guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti, iyaga ayaan ka rajeyneynaa inay qabsoonto ciyaartaasi.”

Dhanka kale safiirka Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan ayaa ka jawaabay casuumaadda Wasaarradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha waxana uu yiri: “Waxaan sugeynaa dhawaan inay xulka Qaranka Jabuuti ay ku ciyaaraan Muqdisho ayna kula ciyaaraan walaalahooda Soomaaliya, sidaas ayaan rajeyneynaa.”

Arrintan ayaa noqon doonto mid u gogol xaarto in Soomaaliya ay gurigeeda ku ciyaarto halka markii hore ay ku dheelli jirtay dalka Jabuuti marka loo eego tartamada kubadda cagta ee is reeb reebka Qaaradda Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....