Daawo Muuqaal : Qeyb kamid ah qalabka maamulka Hawada Soomaaliya oo maanta xariga laga jaray

Date:

Qeybtii ugu horeysay ee qalabka loogu talagalay Maamulka Hawada Soomaaliya si gaar ahna u quseeya saadaasha hawada oo maanta la Rakibay ayaa waxaa  Xariga kajaray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulsta Hawada Dowladda federaalka ah iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibanao katirsan Baaralamanka Soomaaliya Masuuliyiinta iyo shaqaalaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawada, Agaaismaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Salaad.

Axmed Xasan Macalin oo ah maareeye ku xigeenka Hay’adda duulista iyo saadaasha hawada ee Somaaliya ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimada qalabkan uu u leeyahay hagidda diyaaradaha.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Dowladda federaalka ah Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad ayaa sheegay inay rajeynayaan in la dhameytiro qalabka Somaaliya ay ku maamuli  doonto Hawada.

Dowladda Soomaaliya ayaa rajeyneysa inay lasoo wareegto maamulka hawada dhamaadka Bisha October ee sanadkan iyadoo dhawaan wasiirka gaadiidka iyo Duulsta hawada uu dalka Canada ku saxiixay heshiiskii u dambeeyay ee Somaaliya ay kulasoo wareegeyso Maamulka hawadeeda.

WASIIRKA GAADIIDKA IYO DUULISTA HAWADA XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA AYAA MAANTA XARIGGA KA JARAY ISTICMAALKA QEYB KAMID AH QALABKII LOOGU TALAGALAY MAAMULKA HAWADA GAAR AHAAN QEYBTA SAADAASHA HAWADA. SOO JEEDIYE: Omar Hassan Ali

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Τρίτη, 19 Σεπτεμβρίου 2017

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...