Wasaaradda Haweenka oo Kulan wadatashi ah Muqdisho ku qabatay

Date:

Ka mira dhalinta si loo dhameystiro Diyaarinta Xogta ku aadan Axdiga Heshiiska Caruurta oo ay Soomaaliya Saxiixday sanadkii 2015 ayaa Wasaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxay Kulan Wadatashi ah la qaadatay Hay’addaha u adeega Bulshada rayidka si ay uga qeyb qaataan in si wadajir ah loo dardar galiyo dhameystirka Axdiga Heshiiska Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

Xubnaha ka socday Hay’addaha Bulshada Rayidka ee ka qeyb qalayay kulankan wadatashiga ah ayaa si wadajir ah ugu mideysan in muhiim ay tahay dhamestirka heshiiska caruurta si loo helo xaquuqda caruurta soomaaliyeed ay leeyihiin, Maadaama Axdiga Xuquuqda Caruurta ee Qaramadda midoobay u dhigaayo in aan lagu xadgudbin Caruurta, islamarkaane ay helaan Xuquuqda ay leeyihiin.

Ugu horeyn ayaa waxaa kulanka ka hadlay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqda Caruurta ee Wasaaradda Haweenka Xukuumadda Soomaaliya Faadumo Maxamed Cali iyadoo sheegtay in Bulshada Rayidka ah ay lafdhabar u yihiin hawlaha ay qabato Wasaaradda Haweenka.

Qaar ka mid ah Xubnaha ka socday Hay’addaha bulshada rayidka ayaa soo dhaweeyay kulankan wadatashiga, iyagoona sheegay inay qaadan doonaan Doorkooda ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa Axdiga Heshiiska Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkan waday kulamo lagu arinsanaayo sidi loo dardar galin laha dhameystirka diyaarinta xogta heshiiska caruurta ee Qaramada Midoobay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...