Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u baxay dalka Mareykanka.

Date:

Muqdisho, 18, September, 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo uga qeyb gali doono shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Mudane Khayre oo safarka ay ku weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo madax kale ayaa garoonka Muqdisho ka raacay diyaaradaha rakaabka qaada, si loo ilaaliyo hantida qaranka iyo dhaqaalihii faraha badnaa ee ku bixi jirey safarada madaxda Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu sugan yahay dalka Mareykanka sidoo kale la kulmi doono qaar kamid ah hoggaamiyaasha Caalamka ee shirka ka soo qeyb galaya.

—-DHAMMAAD—- 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...