Wasaarada Dhallinyarada oo qalab isboorti ka guddoontay dalka Jabuuti

Date:

Wasiirka wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa ka guddoontay safiirka Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya Aadan Xasan Aadan, qalab isboorti oo dowladda Jabuuti ay ugu tallogashay dhallinyaradda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Saciid Carrab, ayaa yiri: “Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu ka qeyb qaatay horumarka kubadda cagta Soomaaliya, kullamadda loo qorsheeyay inaan ku ciyaarno dalkeenna inta badan waxaan ku dheelnaa Jabuuti.”

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay safiirka Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya Aadan Xasan Aadan, waxanna uu sheegay: “Deeqdan qalabka cayaaraha ah waxa ay ka timid madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo marwaddiisa Khadro Xeyd, waxa uu qalabkan ka koobban yahay nooc walba oo ciyaaraha haddii ay noqon laheyd kubadda cagta, Kolayga, Gacanta, cayaaraha fudud, xitaa waxaa ku jira qalabka dabbaasha.”

Ugu dambeyn waxaa munaasabadda ka hadlay wasiirka wasaarrada dhallinyaradda iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye waxanna ay tiri:” Waxaan u mahadcelinayaa bulshadda reer Jabuuti oo ay ugu horreeyaan Aabbaha Soomaaliyeed Ismaaciil Cumar Geelle iyo Hooyadda Soomaaliyeed Khadra Maxamuud Xeyd, runtii marwalba waxa ay qaataan door aan la iloobbi karin, waana uga mahadcelineynaa qalabkan isboorti ay nasoo gaarsiiyeen.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...