Madaxweynaha Sudan oo ka hadlay Saameynta Cunaqabateynta saaran dalkiisa

Date:

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa sheegay inay xukuumadiisu ay ku taagan tahay dhabbaha nabad ku soo dabaalida geyiga dalkiisa,isla markaana ay qaadayaan talaabo shacabka u horseedaysa nabad iyo baraare.

Madaxweyne Bashiir ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Khartuum kula yeeshay koox ka kooban khubaro iyo warfidiyeen Mareykan ah,wuxuuna u sheegay in dagaalka ka socda Sudan uusan aheyn mid la dhashay xiligii gobonimada dalkiisa, balse uu yahay mid soo jireen ah,wuxuuna intaa raaciyay inay dawladiisu soo dhaweynayso  heshiiskii nabadda oo ay wada gaareen garabyada hubeysan ee dalkaasi.

Wuxuu Madaxweynuhu intaa raaciyay in go’aankii xabad joojinta oo ay hore u gaartay xukuumadiisa uu weli sidiisii u taagan yahay,isagoo dhanka kale soo dhaweeyay kaalmada bani’aadanimo oo ay dowladda Mareykanka u fidinayso dadka uu saameeyay dagaalka,kana barakacay hoygooda.

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa dhanka kale cadeeyay in wadciga dabiiciga ah ee dalkiisa haatan ka taagan uu yahay saameynta cunqabateynta saaran, wuxuuna sheegay  in uu ku raja weyn yahay in cunaqabateyntaasi laga qaado,isagoo ballanqaaday inuu u hagaansami doono  fulinta dhamaan qodobadii lagu heshiyay oo ay Dowladda Mareykanka goob joog ka aheyd.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...