Doorashada madaxweynaha Hirshabeele oo saaka dhacaysa iyo amniga Jowhar oo aad loo adkeeyey

Date:

Waxaa saaka lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle,taasi oo haatan la dareemayo qaban qaabadeeda.

Mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dooranaya madaxweynaha cusub ee maamulkaasi,iyadoo ay u taagan yihiin doorashadaasi ilaa 8 musharax,kuwaasi oo dhawaan baarlamaanku uu dhageystay waxqabadka musharaxkasta.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo ciidamada nabad geliyada sugaya ay ku  sugan yihiin gudaha iyo daafaha magaalada iyo xarunta ay ka dhacayso doorashada.

Waxaa ka qeybgalaya doorashada mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,Guddiga Doorashooyinka,iyo marti sharaf kale, kuwaasi oo u kuurgalaya qaabka ay u dhacayso doorahsada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay

Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi...

50-kamid ah Ciidanka xaq u dirirka degaanka oo laga sagootiyay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar...

Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige,...

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu...