Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo tababar u furey askar katirsan qeybta 21-aad ee X.D

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Taliyaha qaybta 21-aan ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Aadan xuseen Cirro ayaa magaalada Cadaado tababar uga furay ilaa 100 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka qaybtooda 21-aad.

Ciidamadani ayaa loogu talagalay in ay qeyb ka noqdaan xoojinta howlgalada lagu adkeynayo Ammaanka deegaanada Galmudug.

Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xooga dalka Cabdullaahi Aadan Xuseen Cirro oo ugu horreyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in tababarkaan uu qayb ka yahay dadaallada kor loogu qaadayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoona ciidanka ku waaniyey inay si dhab ah uga faa’iideystaan tababarka.

“Tababarkani waxaa la idinka doonayaa in aad si wanaagsan aad uga faa’idaysataan,wuxuuna qeyb ka yahay kor u qaadista tayada Ciidanka Xoogga Dalka,ka qeyb qaata sugidda amniga”, Ayuu yiri taliye Cirro.

Taliye Cabdullaahi Aadan Xuseen Cirro ayaa ciidanka uga digay inay jidgooyooyin sharci darro ah dhigtaan, isagoo sheegay in askarigii ku kaca fal sharci darro in lala tiigsandoono maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ciidamada kula dardaarmay inay daacad ah u guttaan waajibaadka loo idmaday, ayna ugu horreyso xorreynta deegaannada ay cadowgu gacanta ku hayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...