Wefddi uu hogaaminayo guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka oo gaarey Dalka Suudaan

Date:

Waxaa Magaaladda Khartoum ee Caasimadda Dalka Sudaan gaaray Wafddi uu hor kacayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Abdalla Cawad,waxaana siweyn loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Wefddiga guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golah Shacabka waxaa kamid ah,Xildhibaan Abdirashiid Maxamed Xidig,Xildhibaan Abdirahmaan Maxamed Suge iyo waliba Xildhibaanad Ikran Yuusuf Hersi waxaane Garoonka Caalamiga ee Khartuum kusoo dhaweeyen madax ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo uu hor kacayo Uqeybsanaha Hidaha iyo Tacliinta sare ee Safaaradda Dr Cabdi Qaadir Guulane iyo Uqeybsanaha Arrimaha Ganacsiga Cabdi Xakiim Luqmaan Haaji Maxamed iyo walba Uqeybsanaha Warfaafinta ee Safaaradda Fiidow Maxamuud Fiidow.

Soo dhaweynta ka dib Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Abdalla Cawad oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Suudaan u yimadeen inay ka qayb galkaan Shir weynaha golaha fulinta ee urur Gobaleedka IGAD ee dhanka iskaashiga Barlamaanka

Shirkaan ayaa lagu wadaa in furmo maanta iyadoone lagu wado looga hadlo arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyaan amniga iyo isbadalada Cimalada Geeska Afrika oo Soomaaliya ay kujirto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...

Duqa Muqdisho oo Salaadda Ciidda kula tukaday Dadweynaha Degaanka Gubadley

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweyne JFS oo Salaadda Ciidda Carrafo la oogay Kumannaan Shacab ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...