Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh ee Qaxootiga Rohingya

Date:

Sheikh Hasina Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh, ayaa maanta booqanaysa xerada Kutupalong, ee ay maamusho Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, xeradan ayaa ka mid ah xeryaha qaxootiga ee loo sameeyay Muslimiinta Rohingya.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey Sheekh Hasina dhibaato wayn ku sheegtay tobonnaanka kun ee Muslimiinta Rohingya ee dalkeeda soo gaaraya.

Booqashadan ayaa ah tallaabadii ugu weynayd ee ay dowladda Bangladesh ku muujinayso inay ka go’an tahay inay shaaca kaga qaaddo qaxootiga Muslimiinta Rohingya ee ka soo qulqulaya dalka dariska ah ee Myanmar, iyo weliba inay dalbato caawin caalami ah si dhibaatadan wax looga qabto.

Dowladda Bangladesh ayaa  ku dadaalaysa sidii ay u xallin laheyd tiradan sidoo kalana ay u xakamayn laheyd deeqaha aan habeysnayn ee soo gaaraya.

Sidoo kale waxa ay bilowday inay diiwaangeliso dadka cusub ee halkaas soo gaaraya.

Waxaa isbadel uu ku yimid siyaasadda dowladda Bangladesh taas oo markii hore shaki ka qabtay sharciyadda muhaajiriintaasi.

Hasayeeshee haatan waxa ay doonaysaa inay diiwaangeliso dadkaasi, si ay mustaqbalka ugu ogaato inay yihiin muwaadiniin dalka Burma ka soo jeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...