Maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab oo lagu dilay Deegaanka Far Libaax

Date:

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Far Libaax ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi Jab xoog leh lagu gaasriiyay Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab oo dagaal xoogan kala kulmay dadka deegaanka.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Deegaanka Far Libaax Cawaale Isaaq Jirre oo wareysi siiyay Wakaalada Wararka SONNA ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay Meel qiyaasta 25-km u jirta magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa bilowda sida Guddoomiye ku xigeenka uu sheegay ka dib markii Argagaxisada Al shabaab ay isku dayeen inay Jidgooyooyin dhigtaan meel kala barta Beledweyne iyo Far Libaax, ka dibna ay dagaal xoogan la galeen dadka deegaanka.

10 ka mid ah Maleeshiyadii Al shabaab ee dagaalka soo qaaday ayaa halkaasi lagu dilay, waxaana laga gubay gawaari, iyadoo kuwa kalena ay halkaasi isaga carareen.

Hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday dagaalka, waxaana hada degan xaalada Deegaanka Far Libaax iyo nawaaxigeeda, iyadoo dadka deegaanka ee Al shabaab la dagaalamay ay dowlada ka codsadeen inay taageerto si ay haraaga Maleeshiyada kaga saaraan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...