Golaha Ammaanka e QM oo xayiraad xoogan ku soo rogay Waqooyinga Kuuriya

Date:

Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Newyorka ee xarunta QM ayaa laga soo saaray Qaraarkan  looga jawaabayay tijaabadii lixaad uguna awoodda badneyd ee hubka nukliyeerka, hasayeeshee cunaqabateynta lagu soo rogay Pyongyang kuma ay jirto xayiraad dhanka shidaalka ah, taas oo markii hore uu soo jeediyay Mareykanku.

Go’aanadan cusub waxaa kamid ah xannibaad lagu soo rogay dhoofinta waxyaabaha dharka laga sameeyo iyo xakameyn lagu sameeyo saliidda qayriinka ah ee ay soo dhoofsato Pyongyang.

Qaraarkan dib u eegista lagu sameeyay ayaa yimid kaddib markii ay wadahadallo yeesheen dalalka ka tirsan golaha ammaanka ee leh awoodda codka qayaxan sida Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Britain iyo Faransiiska.

Danjiraha  Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Nikki Hayley, ayaa aheyd qofkii ugu horreeyay ee hadlay markii cunaqabateynta codka loo qaaday, waxaanay sheegtay in Mareykanku uu sameyn doono waxkasta oo uu Kuuriyada Waqooyi kaga joojin karo inay wax khaldan sameyso.

Qaraarkan ayaa sidoo kale lahadal hayaa in uu fursad siinayaa in xayiraad dhanka socdaalka lagu soo rogo Kuuriyada Waqooyi, iyadoo liiska xayiraadda lagu daraayo hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un iyo shirkadda diyaaradaha ee qaranka Kuuriyada Waqooyi.

Geesta kale war  ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuroyada Waqooyi ka hor inta uusan Golaha Ammaanku codka u qaadin cunaqabateynta ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu “qiimaha u dhigma” ka heli doono cunaqabateyntan uu dabada ka riixayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...