Madaxweyne farmaajo “Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga Dalka, markaan la sheekaystay cidkasta, in aad tihiin Geesiyaal Sooma-jeestayaal ah”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa halkaas salaan sharaf ku siiyey Madaxweynaha. Sidoo kale, Saraakiisha Soomaaliyeed ee tababarka ka bixiya dugsigaan ayaa Madaxweynuhu la yeeshay kulan gaar ah.

Maamulka iyo Saraakiisha Dugsiga Tababarka Ciidamada Jeneraal Goordan waxa ay Madaxweynaha uga warbixiyeen kaalinta ay ka qaataan sugidda amniga dalka, gaar ahaan howlgallada xasilinta Caasimadda, barnaamijka hub ka dhigista, la dagaallanka ka ganacsiga maandooriyaha iyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabad diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Intaas ka dib, waxa uu Madaxweyne Farmaajo khudbad dhiiri gelin ah u jeediyey askar tiradoodu kor u dhaafayso 1200, oo tababar gaar ah uu uga socdo dugsiga Jeneraal Goordan.

“Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga, markaan la sheekaystay Ajnabi, AMISOM, beesha caalamka iyo cidkastaba in aad tihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah. Xaqiiqiyanna meesha ay galaan aan ka soo noqonayn in ay guul ka keenaan mooyee.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xayiraadda dhanka hubka ee Soomaaliya saaran ayuu ku tilmaamay Madaxweynuhu mid ka mid ah caqabadaha ugu waawayn ee hor taagan dib-u-soo kabashada Ciidanka Xoogga Dalka, balse waxa uu xaqiijiyey in dowladdu ay sameynayso dadaal kasta oo lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uga mahadceliyey dowladda Imaaraadka Carabta hir gelinta xaruntan iyo kaalinta ay ku leeyihiin qalabaynta iyo dib-u-dhiska ciidamada.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Mombasa

Waxaa Magaalada Mombasa lagu soo gaba-gabeeyay shir wada-tashi ah...

Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in Ukraine...