Kulankii Golaha Shacabka oo baaqday

Date:

Kulanka Golaha Shacabka JFS oo maanta la filayey in uu ka dhaco xarunta Golaha ayaa lagu soo waramayaa in uu baaqday.

Kulanka ayaa lasoo sheegayaa in maanta uu u baaqday kooram la’aan awgeed, maadaama xubnaha golaha shacabka maalmihii ugu dambeeyey ay kujireen fasax, iyada oo fasaxoodana uu kusoo beegmay munaasabadaha maalmaha Ciidda.

Wariyaheena Ibraahim Guudle Isxaaq oo xarunta Golaha Shacabka ku sugan ayaa kusoo waramaya in kulanka uu u baaqday Kooram la’aan, sidaasi daraadeedna maanta uusan jirin wax kulan ah oo ay yeesheen xubnaha Golaha Shacabka.

Kulanka maanta ayaa la sheegay in qorshuhu uu ahaa in mudanayaasha ay ka hadlaan Go’aanka Xukuumadda ay ka qaadatay arrinta Cabdikariin Qali dhagaxoo ka mid ahaa saraakiisha  ONLF.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...