Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo booqday deegaanka Xeraale

Date:

Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dawlad Goboleedka Galmudug iyo Maamullada Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa ka wada hadlay Xaaladda nololeed ee dadka ku barakacay Dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada xeraale.

Maamullada Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Galmudug ayaa yeeshay kulan looga hadlayay xoojinta xiriirka Nabadgalyada iyo isdhexgalka Bulshada kaasi oo ka dhacay magaalada xeraale.

Kulankaasi waxaa ka qayb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dawlad Goboleedka Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyadoo looga hadlay saamaynta dagaalladii dhacay ay ku yeesheen dadkii daganaa Magaalada Xeraale kuwaasi oo intooda badan waqtigaan wali dibad joog ku ah Deegaannadii ay ku  barakaceen.

Gudoomiyaha Magaalada Xeraale Bashiir  Daahir Yuusuf ayaa ku soo dhaweeyay Xeraale wafdigan oo isugu jiray Xubno ka tirsan labada Gole ee Dawlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka degmada Caabudwaaq.

Nabadoon Maxamuud Macalin Xasan iyo Xaawo Xuseen Abiikar oo ka mid ah Bulshada Xeraale ayaa ka hadlay Saamaynta uu ku yeeshay Dagaalkii Xeeraale  ee  dhex maray Shacabka deegaanka iyo Maamulka Ahlusunna

Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi  ayaa ku baaqay in laga qayb laga qaato wax u qabashada dadka ku barakacay Colaadii ka dhacday magaalada Xeraale.

Ugu dambayn ayaa waxaa  soo xiray Kulankan Xildhibaan Cabdiqani Aadan gargaar oo ka tirsan Baarlamaanka galmudug iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ee Dawlada Galmudug Mudane Mursal Cabdiraxmaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu...