Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo booqday deegaanka Xeraale

Date:

Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dawlad Goboleedka Galmudug iyo Maamullada Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa ka wada hadlay Xaaladda nololeed ee dadka ku barakacay Dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada xeraale.

Maamullada Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Galmudug ayaa yeeshay kulan looga hadlayay xoojinta xiriirka Nabadgalyada iyo isdhexgalka Bulshada kaasi oo ka dhacay magaalada xeraale.

Kulankaasi waxaa ka qayb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dawlad Goboleedka Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyadoo looga hadlay saamaynta dagaalladii dhacay ay ku yeesheen dadkii daganaa Magaalada Xeraale kuwaasi oo intooda badan waqtigaan wali dibad joog ku ah Deegaannadii ay ku  barakaceen.

Gudoomiyaha Magaalada Xeraale Bashiir  Daahir Yuusuf ayaa ku soo dhaweeyay Xeraale wafdigan oo isugu jiray Xubno ka tirsan labada Gole ee Dawlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka degmada Caabudwaaq.

Nabadoon Maxamuud Macalin Xasan iyo Xaawo Xuseen Abiikar oo ka mid ah Bulshada Xeraale ayaa ka hadlay Saamaynta uu ku yeeshay Dagaalkii Xeeraale  ee  dhex maray Shacabka deegaanka iyo Maamulka Ahlusunna

Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi  ayaa ku baaqay in laga qayb laga qaato wax u qabashada dadka ku barakacay Colaadii ka dhacday magaalada Xeraale.

Ugu dambayn ayaa waxaa  soo xiray Kulankan Xildhibaan Cabdiqani Aadan gargaar oo ka tirsan Baarlamaanka galmudug iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ee Dawlada Galmudug Mudane Mursal Cabdiraxmaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...