Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qeyb galaya Aqoon isweydaarsi ka furmay Dalka Shiinaha

Date:

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa saaka ka furmay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ay ka qeyb galayaan wafuud ka kala socota 10-dal oo Afrikaan ah oo Soomaaliya ay ku jirto, kaasi oo ay soo qaban qaabisay xarunta Tababarada Caalamiga ah ee Dowladda Shiinaha.

Soomaaliya waxaa uga qeyb galaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo ay wehlinayaan Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan Heybe, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalmiga ah Cabdiraxmaan Axmed Xuseen iyo Ifraax Cabdulaahi Cabdi oo ah xubin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.

Kulankan aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa si kor loogu qaado xiriirka soo jireenka ah ee Dowladda Shiinaha iyo Dalalka soo koraya oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Inta uu kulanka socdo waxaa lagu baran doonaa sidii Dowladaha soo koraya ay kaga faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka Dabiiciga ah iyo ilaha Dhaqaale ay leeyihiin, isla markaana ay hormar badan u sameyn lahaayeen Bulshadooda, si dalalka soo koraya ay u tiigsadaan Hormarka dhaqaale uu sameeyay Dalka Shiinaha.

Sidoo kale waxaa la is dhaafsan doonaa qibradaha ay leeyihiin Wadamada soo koraya iyo Dowlada Shiinaha, iyadoo la soo bandhigi doono sida ay horumarka balaaran ku sameysay Xukuumadda Beijing, Caqabadaha horyaala Dalalka soo koraya, sida ay kaga gudbi karaan iyo Isbedelada dhaqaale ay rajeyayaan inay sameeyaan.

Aqoon isweydaarsigan oo furmay maanta ayaa wuxuu socon doonaa ilaa iyo 19-ka bishan, iyadoo la filayo Wafdiga Dowlada Soomaaliya u matalaya kulanka inay la wadaagi doonaan Dalalka soo koraya iyo Dowlada Shiinaha sida Soomaaliya ay kaga go’an tahay inay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda Dabiiciga ah oo ilaah uu ku maneystay, isla markaana ay u sameyso isbedel balaaran oo dhinaca dhaqaalaha ah iyo horumarka Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...