Guddoomiye Jawaari iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay iskaashiga baarlamaanada labada Dal

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh  Cusmaan (Jawaari) iyo  Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker oo xalay ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa  kawada hadlay xoojinta iskaashiga Baarlamaanada labada Dal.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabddalla Cawad, waxaana ay kawada hadleen mas’uuliyiintani iskaashiga Baarlamaanada labada Dal iyo mataanaynta guddiyada labada baarlamaan.

Mudane Maxamed Sheekh Cusman (Jawaari) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Safiirka Turkiga u fahdiya Soomaaliya kala hadlay sidii loo dedejin lahaa dhismaha xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo ay kal hore balan qaadeen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa warbaahinta Qaranka uga warramay waxyaabihi kulankasi ka soo baxay.

“Guddoomiyuhu wuxuu safiirka kala hadlay arrimaha iskaashiga baarlamaanada labada dal, mataanaynta  guddiyada labada baarlamaan, sidoo kale safiirka wuxuu warbixin ka siyay guddoomiyaha qorshaha dhismaha xarunta golaha shacabka, waxaana la isku afgartay in dhismo KMG ah laga sameeyo xarunta Villa Harggeysa, halkasi oo lagu shaqeynayo dhismaha xarunta baarlamanka ilaa 6 bilood ayay qaadanaysaa, ilaa intaasi halkan ayaa lagu shaqeynayaa”, Ayuu yiro mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Dowladda Turkiga ayaa kaalin muhiim ah ku leh taageerada Soomaaliya,sida dhinacyada siyaasadda dhaqaalaha,amaanka iyo dib u dhiska,waana Dowladda Kaliya oo ka mid ah Caalamiga ah oo wax muuqda ka qabtay dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...