Guddoomiyaha Maxkmadda Sare oo Shaqada ka Joojiyey 18-Garsoore

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa soo saaray wareegto shaqada uu kaga joojiyey 18 Garsoore oo ka hawl gala maxkamadaha gobolka Benaadir iyo degmooyinka hoos-yimaada.

Lix Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa ayaa ka mid ah Garsooreyaasha shaqada laga joojiyey waxa ayna kale yihiin; Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo shaqada laga joojiyey 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa looga gol leeyahay in laga dhabeeyo ballan qaadkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka Garsoorka dalka oo muddo dheer shacabku ay si wayn u dhaliilsanaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...