Shil sababay geerida gabar Soomaaliyeed iyo dhaawaca Wariye Axmed Jaaket oo ka dhacay Mareykanka.

Date:

Dhacdadani ayaa timid markii ay isku dheceen gaari nuuca raaxadda ah oo ay saarnaayeen Wariye Jaakad iyo gabadha Geeriyootay  uu ku dhacay gaari Tareen ahaa kaasi oo wadada si xowli ah u marayay, waxaana Jaaket uu sheegay in sababta keentay ay tahay in ay jiraan waddooyin Tareen iyo kuwa caadiga ah oo isdhexmara meelaha qaar, taasi oo shilkaasi keentay.

Wariye Axmed C/raxmaan Jaaket ayaa faah faahiyaya sida shilkaasi uu u dhacay isagoo kujira isbitaal ku yaala Gobolkaasi Wisconsin ee Mareykanka.

“Gabdha waxaan isku baranay meel lagu barto shuruucda qaadashada kaararka muwaadinimada, waxay I aragtay anigoo socoda, waxaan u sheegay in aan u socdo Bangi, markaasi ayaay is oo qaaday,inta aan soconay ayaa wadada waxa soo galay Tareen oo ku dhacay gaarigeena dhankak gabadha,waxaan isku dayay in aan gaariga ka boodo balse waan awoodi waayay, madaama aan dhaawacmay,waxyar ka dibna waxan arkay gabadhii gaariga igu wadday oo Meyd ah”, Ayuu yiri wariye Axmed Jaaket.

Wariye Axmed C/raxmaan Jaaket ayaa sheegay in goobtaasi ay soo gaareen Boolis iyo dadweyne kale,kuwaasi oo meesha ka qaaday dhaawaciisa,waxaana uu haatan kujiraa isbitaal ku yaala Gobolkaasi Wisconsin.

Shilalka ka dhacay dalka Mareykanka ayaa ah kuwo halistoodi leh,iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo shil ay waxyeelo ka soo gaarto muwaadiniin Soomaaliyeed uu ka dhoco Mareykanka,waxaana loo aanaynayaa wadooyinka qaar oo ah labo waddo oo isdhexmara ayna wada isticmaalaan Tareenada iyo kuwa kale ee caadiga ah.

Xigasho:VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Machadka Farsamada ee Ciidamada Serbia

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi,...

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...