Angela Merkel “Turkiga Meelna ugama banaana Midowga Yurub”

Date:

Ra’iisalwasaaraha Jarmalka Angela Merkel oo ka qaybgashay dood Telifishinka oo dhex martay iyada iyo ninka loollanka adag kala dhexeeyo doorashooyinka soo socda ee xisbiga Hantiwadaagga, Martin Schulz ayaa ballan qaaday inay joojin doonto sii socoshada wadahadalada Turkiga iyo Midowga Yurub.

Merkel waxay ku adkaysatay in haddii ay doorashada soo socota ku guulaysato ay ku shaqayn doonto  waajibnimada in aan turkiga waligii xubin ka noqon midowga Yurub, arinkaasna kala hadli doonto saaxiibadeeda midowga yurub si mowqif midaysan looga qaato, loona xadido mudada kama danbaysta ah ee wadahadalada Turkiga iyo Midowga Yurub.

Illaa haddaMa jirto wax jawaab ah  ee dhinaca Turkiga oo ku saabsan Mowqifka Cusub ee Angela Merkel oo u muuqda hanjabaad sii kala fogayn karta Berliin iyo Ankara.

Xiriirka labadan dal ka dhexeeya ayaa mugdi sii galayay, waxayna muddooyinkaan danbe is dhaafsanayeen hadallo qallafsan oo dhinacba dhinaca kale ku eedaynayay.

Madaxwaynaha dalka Turkiga Rajab dayib Ordogan ayaa bishii tagtay ku timaamay madaxda Xisbiga xukuma jarmalka ee CDU inay yihiin Cadowga Turkiga, isagoo ugu baaqay codbixiyayaasha Jarmalka ee asalkoodu turkiga yahay in aysan u codayn Xisbiga Angela Merkel.

Doorashadaan ka dhici doonta dalka Jarmalka ayaa dadka codaynta xaqa u leh waxaa ka mid ah afar Milyan oo qof oo asalkoodu Turki yahay, kuwaasi oo natiijada doorashada saamayn ku yeelan kara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Muqdisho, Arboco, 10 Diseembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.  

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December)...