Taliska ciidanka Xoogga Dalka oo faah faahin ka bixiyay dagaalkii Buulo-Guduud

Date:

Janaraal Ismaaciil Saxar Diid oo ah taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda SONNA ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii saaka ka dhacay Deegaanka Buulo Guduug ee Duleedka Koonfureed ee magaalada Kismaayo.

Taliyaha ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Alshabaab ay saaka waaberigii weerar ku soo qaadeen Xero ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbalaland oo ku taala deegaankaasi Buulo-Guduud oo qayaas ahaantii 30-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Kisamaayo, wuxuuna sheegay in Khasaaro xoogan uu ka soo gaarey kooxdii weerarka soo qaaday ee Shabaab, ayna kaga dhinteen ilaa 20 maleeshiyaad ah kuwo kalena ay kaga dhaawacmeen.

Janaraal Ismaaciil Saxadiir ayaa sheegay in dhankooda uu jiro qasaare aan sidaasi u badnayn,maadaam ay Ciidamadu ka war hayeen qorshaha maleeshiyaadkaasi ay ku soo weerareen deegaankaasi,lagana hortagay,isagoo been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Shabaab ay xeradaasi ka kaxeysteen gaadiid dagaal oo ay ciidamadu leeyihiin.

“Abaaro 5:10 daqiiqo ee arroornimadii ayay weerar ku soo qaadeen xeradaasi, dagaal adag ayaa meesha ka dhacay, waxay ku soo weerareen qarax, Ciidamada ayaana gaarigii qarxiyay oo fashiliyay, ma uusan gaarin meeshii ay ugu talagaleen,Khasaare ayaa jira labada dhinac,hadana deegaankaasi waxaa gacanta ku haya ciidamada Xoogga dalka,ilaa 20 maleeshiyo ah  ayaa kaga dhintay dagaalkaasi Shabaab, firxadkoodi ayaan daba joognaa”, Ayuu yiri Taliye Saxardiid.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgalo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii Shabaab ee weerarka soo qaadey, waxaana taliye Saxardiid uu sheegay in ay uga daba tagidoonaan meelkasta oo ay ku dhuumaalaysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay...

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...