Xoghayayha Guud ee Qaraamada Midoobay Antรณnio-Guterres ayaa ugu baaqay Xukuumadda Israaโiil inay goโdoominta ka qaado Marinka Gaza ee dhulka falastiin ayna hagaajiso duruufta nolasha dadka muwaadiniinta falastiin ee Marinkaasi ku nool.
Shir jaraaโidย uu ku qabtayย Dugsiga hoose ee Halabย magaaladaย Beit Lahiaย oo ku yaal waqooyiga Gaza ayaa sheegay in mushukiladda ka taagan Gaza ay u baahan tahay xalย caalami ah, wuxuuna falastiin ugu baaqay inay kala qeybsanaanta dhexdooda ka midoobaan.
Xoghayayha Guud ee Qaraamada Midoobay Antรณnio-Guterres Wuxuu bulshooyinka Caalamka ka codsaday inay taageero baniโaadanimo ah u fidiyaan falastiiniyiinta ku nool magaalada Gaza oo uu qiray inay haysato duruufo aad u adagย oo xagga nolashada ah, kadib markii Israaโiil dooc waliba ka guโdoomisay taasoo sanooyin badan saaraneyd Gaza.
Wuxuuna Antรณnio-Guterres sheeghay inuu aad uย jaclaan lahaa inuu mar arko Dowlad falastiin ah oo la jaar ah Israaโiil ย oo ah laba Dowladooda oo ย ku wada nool amni,nabadgelyo iyo baraare, waxeyna taa dhaboobi kartaa ayuu yiriโ hadii shacabka falastiin ka fogadaan kala qeybsdanaanta dhexdooda ah oo iminka ku dhex jirtaโ taasoo uu cadeeyey inay qadiyaddooda dhaawacaysa, ayuu intaa raaciyay Xoghayaha guud ee Qaraamada Midoobay.
Antรณnio-Guterres, intii uu joogay Marinka Gaza, waxa uu la kulmay ย Caruurta dhigata Dugsiga hoose ee Halabย magaaladaย Beit Lahiaย iyo haweyn ka mid ah ย qaxootiga falastiin.