R/Wasaare Ku-Xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Xal-u-helidda Qaxootiga Soomaaliyeed

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta furay Shirweynaha qaran ee xal-u-helidda Qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaya iyo barakayaasha Soomaaliyeed. Waxana shirkani soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, gaar ahaan waaxda u qaabilsan Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka.

 

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shirkani soconaya saddexda maalin ka sheegay hannaanka iyo qorshaha ballaaran ee uga yaalla Xukuumadda dib u dejinta dadka Soomaaliyeed ee colaadaha iyo abaaraha ka dhacaya dalka ay saameeyeen.

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa u mahad-celiyey hay’adda Qaxootiga qaranka iyo hay’adaha caalamka ee ka qeyb qaadanaya badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dibedda iyo gudaha dalka ku barakacay.

 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa yiri” Dawladda Soomaaliyeed waxay diyaar u tahay inay qabato wax walba ay kari karto oo dadka Soomaaliyeed ku heli karaan nolol ka wanaagsan midda ay hadda ku nool yihiin.

 

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, masuuliyiin ka socda dawlad-gobolleeyada dalka ka jira iyo Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Q/M ee UNHCR. Waxana dhammaadka shirkani ka soo bixi doona warmurtiyeed la xiriira sida loo wajahayo Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...