Wasiirka Cadaaladda oo Ka qeyb galay Shir looga hadlayey Hormarinta Cadaalada iyo Xiriirka Garsoorka Afrika

Date:

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa Dalka Ruwaanda uga qeyb galay shir looga hadlayo hormarinta Cadaaladda iyo Xiriirka ka dhaxeeyo Garsoorka Wadamadda Afrika.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Shirka uu uga Qeyb galayo dalka Ruwanda uu qiimo weyn ugu fadhiyo guud ahaan dalalka afrika isagoo xusay in uu Soomaaliya Ahmiyad gaar ah u sii leeyahay isla markaana uu horseedi karo tayeynta Hay’addaha garsoorka ee Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in inta uu joogay Dalka Ruwanda ay la kulmeen Qaar ka mid ah Wasiiradda iyo Madaxda Hay’addaha Garsoorka ee dalalka Afrika waxaana uu sheegay in kala hadleen sidii loo hormarin lahaa Cadaaladda iyo Hay’addaha Garsoorka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...