Shirka Wasiiradaha Arimaha Dibadda Africa iyo Japan oo lagu soo gabagabeeyay Dalka Mozambique iyo Warmurtieed laga soo saaray

Date:

Shirkan oo laba maalmood ugu socday Caasimadda Dalka Mozambique ee Maputo  ayaa waxa Wadamada Afrika u qabtay Dowladda Japan waxana lagu casuumay Wasiiradaha Arimaha Dibadda,Danjirayaasha Safaaradaha Wadamada Afrikada Koonfuureed iyo Aqoonyahinanno.
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, Yusuf Garaad Omar iyo Danjiraha Dowladda Soomaaliya u matala Wadamada Afrika Koonfureed,Danjire Jamal Barrow ayaa Soomaaliya ugu qeybgalay.
Intii uu socday Shirkan ayaa waxaa qudbado ka jeediyay madaxweynaha dalka Mozambique iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Japan oo labaduba sheegeen in Afrika uu dhaqaalaheeda soo kobcayo loona baahanahay in la hormariyo.
Gabagabada Shirka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo muhiim oo ay ka mid yihiin,baahida Ganacsi xur ah oo dhex mara Africa iyo Japan,horumarinta kaabayasha dhaqaale ee Africa,Kobcinta maalgashida toos ee ah ee Africa,ballaarinta dhisidda ganaciyada yar yar iyo kuwa dhex dhexaadka ah,iyo horumarinta adeegyada aas aasiga oo ay ka mid yihiiin Waxbarashada, caafimaadka iyo  biyaha nadiifka.
Shirkan Japan iyo Africa ayaa sanad walba la qabtaa waxaana sanadkii lasoo dhaafay lagu qabtay magaalada Nairobi,waxayna Dowladda Japan ka mid tahay Dowladaha sanadihii dambe Africa kala shaqeynayay horumarinta iyo kaabayasha dhaqaale ee Qaaradda.
WD: C/qaadir Axad Dhaqane,Pretoria

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Khawaarijta Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Deegaanka Goobo

War ka soo baxay Wasaaradda Gashaandhigga ayaa lagu sheegay...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo seddax maalmood ah hoos u dhigtay Calanka Soomaaliya

Iyada oo la fulinayo Amarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...