Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS oo Sucuudiga kala hadlay Dhoofka xoolaha Soomaaliya.

Date:

Waxaa magaalada Riyaad ee caasimadda wadanka Sacuudi Carabiya Ku kulmay Wasiirka deegaanka, Biyaha iyo Beeraha ee dalka Sucuudiga Eng. Abdirman Abdul Muxsin Alfadli iyo wefddi uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta  iyo Daaqa Dowladda Soomaaliya Mudane Sheekh Nuur Max’ed Xasan .

Mas’uuliyiinta Labada Wasaaradood waxay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Dowladood iyo sidii ay usii socon lahayd dhoofka Xoolaha Soomaaliya ee lageeyo Sucuudiga.

Kulanka kadib ayaa waxay mas’uuliyiintaasi isku afgarteen Labada in laxoojiyo xiriirka labada dal lana gaaro qaab ay kuwada shaqeeyaan labada wasaaradood laguna dhoofiyo Xoolaha Soomaaliya.

Mudane Sheekh Nuur Max’ed Xasan Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ayaa sheegay in waxyaabihii ay ka wada hadleen labada Wasaaradood la hirgelindoono.

“Waxaan la kulmay Wasiirka Beeraha Biyaha iyo Bi’ada dalka Sacuudiga, waxaan ka wada hadalnay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen labada dowladooda gaar ahaan wasaaradahani,arrimaha dhoofinta Xoolaha Soomaaliya ee Sucuudiga loo iib geeyo,Sucuudiga waxaa uu sheegay in xoolaha Soomaaliya caafimaadkooda uu wanaagsan yahay, balse laga wada shaqeynayo nidaamkii dhoofinta”, Sidaasina waxaa warbaahinta Qaranka u sheegayMudane Sheekh Nuur Max’ed Xasan.

Wasaaradda Beeraha  Sucuudiga waxay cadeysay in xoolaha Soomaaliya caafimaadkooda uusan shaki ku jirin,balse labada Wasaaradood ay kashaqeeyaan hagaanjinta nidaamka  dhoofka xoolaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...