Wasiir Xoosh “Muddo yar gudaheed ayaan waxqabad ballaaran oo muuhiim ah ku qabannay”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ku wehliyay kulan ay la qaateen Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda Mr.Jeffry Feltman.

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay arrrimo ku saabsanaa dib-u-eegista dastuurka iyo siyaasad loo dhanyahay.

Mudane Cabdi Xoosh ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda iyo hawlaha baaxadda leh ee u baahan in la wajaho.

“Muddo yar gudaheed ayaan waxqabad ballaaran oo muuhiim ah ku qabannay, waxa aan biloownay kullamo wadatashi ah oo aan gaarsiinay dawlad goboleedyada inaga oo dhageeysaneynay tallooyinka shacabka ee ku saabsan Qorshaha Guud ee dib-u-eegista dastuurka, sidoo kale waxa aan kulamo la yeelanay Guddiga Kor-Joogteeynta Dib-U-Eegista Dastuurka iyo Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dawlad goboleedyada si aan u bilaawno wadashaqayn, dhanka kale waxaa aan kulan afar maalin socday la yeelannay Ururada Bulshada Rayidka iyo Dawlad Goboleedyada oo lagu diyaarinayay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee geedi-socodka sib-u-eegista dastuurka” ayuu yiri Wasiirka.

Dhankooda, Gudoonka labada Aqal ayaa aad u bogaadiyeen waxqabadka Wasaaradda ee muddo yar ku suurtagalay, wax ayna sheegeen in Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay ka go’antahay sidii loo heli lahaa Dastuur dhamaystiran oo shacabka Soomaaliyeed u horseeda xasillooni, dawlad wanaag, iyo siyaasad loo dhanyahay.

Mudane Jeffry Feltman ayaa dhankiisa ku ammaanay Dawladda Federaalka gaar ahaan Wasaaradda iyo dhamaan hay’adaha ay shaqo wadaaga yihiin horumarka laga sameeyay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka, waxa uuna ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ku garab istaagi doonto geedi-socodkan taariikhiga ah.

Gebagabadii, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ballanqaaday in Wasaaradda ay gudan doonto waajibaadka saaran ee ay shacbiga Soomaaliyeed iyo dhamaan saaxiibada Soomaaliya ay indhaha ku hayaan.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...