Guddiyada joogta oo dhaariyay Wasiirka cusub ee howlaha guud

Date:

Kulanka tobanaad ee guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa ugu horeyn waxaa lagu dhaariyay Eng Sadiiq Cabdullaahi Cabdi oo bedelay AUN Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabaas Cabdullaahi Cabdi Sheekh Siraaji oo dhawaan geeriyooday, waxaana kulanka shir guddoominaya Golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’.

Kulanka oo uu ka qeyb galay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’  ayaa waxa uu  ejendaha kulanka ahaa sii wadida kulankii sagaalaad ee 17-kii bishan Agoosto uu guddiga yeeshay sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka.

“Waxaa dhacay shir looga hadlayay qorshe howleedka golaha, waxaana looga hadlay sidii loo dar dargelin lahaa howlaha ay guddiyada qabanayaan, afar guddi unbaa dhiman, inta kale waa la dhameeyay, waxaana la isla soo hadal qaaday waqtiga afarta guddi ay isu imaan lahaayeen” ayuu yiri Cabdixakiin Xaaji Buux.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...