Madaxweynaha Jubbaland oo xarigga ka jaray maxjar cusub

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Maxjarka Xanaanada Xoolaha ee Jubba, kaas oo laga hirgeliyay duleedka Magaalada Kismaayo.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Jubbaland Mudane Maxamed Nuur Buule, Maamulka maxjarka, Odayaal dhaqan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa kasoo qayb galay munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Maxjarka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo kormeeray dhamaan qaybaha uu Maxjarkan oo ah kan ugu weyn Soomaaliya, si gaar ah wuxuu booqday qaybta baarista Caafimaadka, isagoo la sheekaystay wax badana ka dhagaystay dhamaan dhakhatiirta qaybtan ka shaqeeya.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay hirgalinta hawshan oo uu xusay in Dalka iyo deegaankaba ay muhiim u tahay.

“Marka la eego xoolaha magaalada lagu qalo, waxaan doonaynaa in Caafimaadkooda uu yahay mid la isku halayn karo sidaas darted waxaan rajaynayaa in halkan hawsha baarista lagu samayn doono” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Dadweynaha ree Jubbaland ayuu Axmed Madoobe u sheegay in ay ka muhiimsan yihiin kuwa dalal shisheeye jooga ee xoolaha halkan la keeno loo dhoofinayo, sidaas darteedna wuxuu maamulka maxjarka iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ku booriyay in bad qabka Xoolaha lagu dadaalo.

Soomaaliya iyo Gobolka oo dhan ayuu Madaxweynaha Jubbaland sheegay in ay ugu baaqayaan in ay ka faa’iidaystaan maxjarkan oo ay halkan dadka xoola dhaqatada ah xoolahooda ka dhoofistaan si waliba fudud oo kharash badan uuna kaga baxaynin.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu ku booriyay maamulka Maxjarka in wax badan oo ahmiyad ah la siiyo dadka xoolaleeyda ah oo Khasaaraha iyo faa’iidadaba lala qaybsado wakhtiyada Cudurada ay dilaacaana baaris dheer la sameeyo si aysan ugu faafin Xoolaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...