Nin Soomaali ah oo xaaskiisa ku diley UK

Date:

Magaalada Bristol ee dalka UK ayaa la sheegay in nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Aadan Daahir uu xalay ku diley xaaskiisii allah u naxariistee Aasiya Cumar oo 27 sano jir aheyd, sida ay VOA u sheegtay Ayaan C/laahi Cumar oo qaraabo la ah qoyskaas.

Ayaan, ayaa intaa ku dartay in Aadan uu ku diley afadiisa mindi isla markaana booliiska soo gaareen xaafadda dilka uu ka dhacay.

Ka hor inta uusan dhicin dilka ayaa la sheegay in ay muran uu dhex maray gabar qaraabo yihiin Aadan iyo xaaskiisa Aasiya, iyadoo saacado ka dibna laga war heley falkan naxdinta leh.

Ayaan Cabdulaahi, ayaa sidoo kale, xustay in Aadan muddooyinkii dambe isku buuqsanaa ka dib markii rukhsadiisa wadida gawaarida laga joojiyay muddo sadex sano ah taasina ay ku qasabtay in shaqo waayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...