Raโ€™iisul Wasaare Xasan โ€œCiidanka Asluubtu Waa Astaanta Caddaaladda iyo Nabaddaโ€

Date:

Muqdisho, August 23, 2017โ€ฆ..Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer shaqo ku tagey gelinkii danbe ee maanta Xabsiga dhexe ee Xamar, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiir ku xigeenka Caddaaladda iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyey Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo ehelladii uu ka baxay askarigii isku dhigay qaraxii dhawaan ka dhacay xabsiga ee uu soo maleegay ruux naftii halige ah. Wuxuuna ku tilmaamay askarigii isku dhigay qaraxa inuu ahaa halyey ka baxay guud ahaan qaranka Soomaaliyeed, lana ilaawi doonin.

โ€œWaxaan Tacsi u dirayaa Ciidanka Asluubta iyo ehelkii uu ka baxay askarigii naftiisa u huray badbaadinta sharafka iyo karaamada ummada Soomaaliyeed. Askarigaas wuxuu na tusay macnaha ay leedahay qaranimadu, taas oo nagu dhiira-gelinaysa kuligeen inaan u istaagno difaaca dalkeena hooyoโ€ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay yihiin kuwa u diyaarsan dhaqan celinta maxaabiista iyo ku hagidda sharciga. Isagoo cadeeyey in taas badelkeeda aan la aqbali Karin in wax yaabo sharci daro ah oo qal-qal gelinaya amniga xabsiga laga dhex sameeyo.

R/Wasaare Khayre oo kormeer ku sameynayay qaar kamid ah goobaha ay maxaabiistu ku sameeyaan agabyada kala duwan ee xafiisyada ayaa yiri: โ€œMaadaama dib loo hawlgeliyay hawlihii kala duwanaa ee Taliska Ciidanka Asluubta sida samaynta qalabka guryaha iyo xafiisyada la dhigto, tolidda dharka kala duwan ee dugsiyada iyo ciidammada, waxaa lagama maarmaan ah in la dhiirageliyo wax soo saarka dalka.โ€

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo daahfuraya Hirgalinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda

Raโ€™iisul Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo...