Ra’iisul Wasaare Xasan “Ciidanka Asluubtu Waa Astaanta Caddaaladda iyo Nabadda”

Date:

Muqdisho, August 23, 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer shaqo ku tagey gelinkii danbe ee maanta Xabsiga dhexe ee Xamar, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiir ku xigeenka Caddaaladda iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyey Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo ehelladii uu ka baxay askarigii isku dhigay qaraxii dhawaan ka dhacay xabsiga ee uu soo maleegay ruux naftii halige ah. Wuxuuna ku tilmaamay askarigii isku dhigay qaraxa inuu ahaa halyey ka baxay guud ahaan qaranka Soomaaliyeed, lana ilaawi doonin.

“Waxaan Tacsi u dirayaa Ciidanka Asluubta iyo ehelkii uu ka baxay askarigii naftiisa u huray badbaadinta sharafka iyo karaamada ummada Soomaaliyeed. Askarigaas wuxuu na tusay macnaha ay leedahay qaranimadu, taas oo nagu dhiira-gelinaysa kuligeen inaan u istaagno difaaca dalkeena hooyo”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay yihiin kuwa u diyaarsan dhaqan celinta maxaabiista iyo ku hagidda sharciga. Isagoo cadeeyey in taas badelkeeda aan la aqbali Karin in wax yaabo sharci daro ah oo qal-qal gelinaya amniga xabsiga laga dhex sameeyo.

R/Wasaare Khayre oo kormeer ku sameynayay qaar kamid ah goobaha ay maxaabiistu ku sameeyaan agabyada kala duwan ee xafiisyada ayaa yiri: “Maadaama dib loo hawlgeliyay hawlihii kala duwanaa ee Taliska Ciidanka Asluubta sida samaynta qalabka guryaha iyo xafiisyada la dhigto, tolidda dharka kala duwan ee dugsiyada iyo ciidammada, waxaa lagama maarmaan ah in la dhiirageliyo wax soo saarka dalka.”

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...