Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda oo xarigga ka jaray dib u dayactir lagu sameeyay Waaxda Carabta

Date:

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga  Mr. Mukhtar Mahad Daud oo uu wehliyo Amb. Hamoud Samaran Al Jowhary Al Huwaidi Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ayaa maanta xarigga ka jaray dib u dayactir iyo qalabayn lagu sameeyay xafiisyada cusub ee ay ku howlgali doonto Waaxda Carabta.

Agaasimaha Waaxda Carabta Mustafa Adam Dagaal ayaa ku soo dhoweeyay Madaxda kala duwan ee Wasaaradda qeybaha la dayactiray ee Waaxdiisa, isaga oo bogaadiyay dadaalka Jaamacadda Carabta ay ugu jirto taageeridda Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Cali Maxamed Cali ayaa sheegay in dib loo dayactiri doono, lana qalabayn doono waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda oo uu ku jiro Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, isaga oo xusay in Waaxyuhu isku fidin doonaan dhammaan dhismaha Wasaaradda, si loo xoojiyo howlaha shaqo iyo shaqaale.

Dhankiisa, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Mukhtaar Mahad Daauud ayaa tilmaamay in Wasaaraddiisu ay la kaashan doonto Wasaaradaha kale ee dalka si loo suurageliyo dib u dhis ballaaran oo lagu sameeyo dhammaan hey’adaha qaranka ee ku burburay dagaaladii sokeeye.

Ergeyga Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Hamoud Al Huwaidi ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit uu qaban-qaabinayo shir ballaaran oo dhammaan dowladaha carbeed ay ka soo qeybgali doonaan oo lagu uruurin doono lacago dib loogu dhisayo dalka Soomaaliya, isaga oo qiray in Jaamacadda Carabta aanay marnaba ka gaabin doonin in ay ka shaqeyso sidii Soomaaliya ay dib uga soo kabsan laheyd dhibtii colaaduhu ay gaarsiiyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal...

NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ayaa hawlgal ku dishay horjoogeyaal khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray

Turkey’s SolidAERO waxa ay soo saartay TALAY, oo ah...

Wejiga labaad ee Barnaamijka iskaashiga Shacabka iyo Haya’addaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan...