Madaxweynaha oo Faray Xukuumadda in ay Dabagal ku Samayso Qorshayaashii ay Isku Soo Afgarteen Dowladda Masar

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in ay dabagal ku samayso sidii looga mira dhalin lahaa qorshayaashii ay isku soo afgarteen dowladda Masar.

Madaxweynaha oo shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay dalka Masar ay ahayd mid mira dhal ah taasoo ka turjumeysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey arrimaha ugu muhiimsan ee ay isku soo af-garteen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdi Fataax Al-Siisi oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal, kordhinta deeqaha waxbarasho, tababarrada iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo horumarinta arrimaha dhaqaalaha.

Waxyaabaha kale ee isafgaradka laga gaaray waxaa kamid ah horumarinta ganacasiga, maalgalisha beeraha, kalluumeysiga, xoolaha iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Masar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u direysa dalka Masar saraakiil gaaraya 15 oo ka tirsan Ciidanka Booliska kuwaas oo bilow u ah qorshaha dowladda Masar ay kaga qeyb qaadaneyso tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Faransiiska uga qaybgalaya shirka 3-aad ee Qaramada Midoobay ee Badaha

Wafdi ka socda Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee...

Wasiirka arrimaha dibadda oo kulmay arayda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Changsha ee Shiinaha

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka arrimaha dibadda oo Shiinaha kula kulmay dhigiisa Kenya

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay),...

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo beenisay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...