Muran ka taagan Dowladda Norway oo 4 caruur ah iyo sharcigii ka qaadatay muwaadin Soomaaliyeed

Date:

Dalka Norway ayaa waxaa lagu soo gebagebeeyey dacwad u dhexeysa Dowladda Norway iyo muwaadin Soomaaliyeed oo Dowladda dalkaasi ay ka qaadatay caruur uu dhalay, taasi oo socotay muddo maalmo ah.

 Aabe Soomaliyeed  oo lagu magacabo  Garase Abdullahi oo dhawaan Dowladda Norway ay kala wareegtay 4 Caruur ah oo uu dhalay, kalana Noqatay Sharcigii joogitanka  dalkaasi, ayaa sheegay in Dowladda dalkaasi ay ku sameysay xadgudub, si sharci daro ahna lagula kacay.

Dhageysiga dacwada oo soo socotay muddo 3 maalmood ah, ayaa  la soo gebagebeeyay, waxaana muwaadinkan Soomaaliyeed uu muujinaya in natiijo wanaagsan ay ka soo baxdo dacwadda laxiriirta caruurtiisa iyo sharcigiisa.

Garase Abdullahi waa 50 sana jir, wuxuuna markii ay soo dhamatay Maxkamadan oo xukunkeedi la sugo doono muddo dhan  2 ilaa 4 todobaad uga uu muujinayaa dareen rajo xumbaarsan, isagoo uga mahadceliyay dadkii Soomaaliyeed ee caawiyay iyo Preben Klovfjell  o ah Qareenkii u doodayay halka ay soo gaarsiyeen dacwadiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya iskaashi ku aaddan horumarinta khayraadka dabiiciga ah

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan...

Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinayo iskaashiga dhinacyada Gaadiidka iyo Isgaarsiinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo Afgooye ka furay tababar howl-wadeennada doorashooyinka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

W/ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud QM ee arrimaha gargaarka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xasan Maxamed...