Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar

Date:

Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa   xalay ka dhacday xarunta Jaamacadda Al-Azhar ee magaalaada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Waxaa goob joog ka ahaa munaasabadaasi oo ay soo qaban qaabisay safaaradda Soomaaliya ee Masar Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan, Wasiiro ku wehliyay safarka Madaxweynaha, Safiirka Soomaaliya ee Masar iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Yuusuf Garaad Cumar oo ah Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqey ardayda iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kusugan dalka Masar in ay ka qeyb qaataan sidii dalkooda uu horumar u gaari lahaa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhda soo jireenka ah ee xiriirka Soomaaliya iyo Masar, wuxuuna sheegay in xiriir qoto dheer uu ka dhexeeyo loona baahan yahay in la sii xoojiyo.

Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer, wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya uu uga mahadceliyay Dowladda Masar sida wanaagsan oo ay u soo dhaweysay iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay jaaliyadda Soomaaliyeed in kaalin ay ka qaataan horumarka dowladnimo ee ka socoda dalkooda hooyo, isagoona bogaadiyay dadaalkoodi horumarineed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka XDS oo howlgallo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo u furtay Aqoon-isweydaarsi masuuliyiin ka tirsan DFS

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Drs. Hodan Cusmaan Cabdi...

Ciidamada Gorgor oo howlgal ka fuliyay deegaanno ka tisan Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 19-aad ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii...