Ra’iisul Wasaare Xasan Cali KHayre oo Imtixaan Deeq-waxbarasho u Furay Laba Kun iyo Afar Boqol oo Arday

Date:

Muqdisho, 20 August 2017 –Ra’iisul​ ​Wasaaraha​ ​Xukuumadda​ ​Federaalka​ ​Soomaaliya​ ​Mudane​ ​Xasan Cali​ ​Khayre​ ​ayaa​ ​maanta​ ​imtixaan deeq-waxbarasho ah u furay 2,400 oo arday kuwaas dhamaysatay waxbarashada heerka dugsiga sare, isla markaana ka soo baxay iskuullo ku yaala dalka ​ ​oo​ ​ay​ ​qaadaneyso Jaamacadda​ ​Umadda​ ​Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey dhammaan qeybaha lagu qaadayo Imtixaanaadka, wuxuna bogaadiyey sida hufan ee loo agaasimay hawsha imtixaanka, isagoo dardaaran u jeediyey hawl-wadeenada qaadaya imtixaanka iyo ardayda u fariistay imtixaankan. Waxa uu ardayda u sheegay inay ka faa’iideystaan fursadan muhiimka ah ee hortaala.

“Inagoo og in baahiyo badan oo kala duwan ay jiraan dhanka Waxbrashada, ayaan hadana waxaan diiradda saarnaa baahiyada kuwa ugu muhiimsan inaan sida ugu macquulsan wax uga qabano. Shacabkeena waxaa uu xaq u leeyahay inuu helo adeeg la bixiyo kan ugu wanaagsan dhinac kasta”ayuu yiri R/W oo ka hadlayay muhiimadda ay waxbarashada iyo Imtixaanaadkan u leeyihiin horumarka dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday qoys Soomaaliyeed oo qasaare ka soo gaaray weerar ay koox hubaysan ku qaaday gaari ay saarnaayeen oo marayey gudaha magaalada Muqdisho, waxana uu ilaah uga baryey in intii ka dhimatay uu Janadii geeyo, inta dhaawaca ahna uu u booga dhayo.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Difaaca XFS oo shacabka Ceeldheer ku dhiirigeliyay in ay ka qeyb qaataan isdiiwaangelinta doorashada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...

GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO

Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Gaashaandhigga oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Axmed...