Ra’iisul Wasaare Xasan Cali KHayre oo Imtixaan Deeq-waxbarasho u Furay Laba Kun iyo Afar Boqol oo Arday

Date:

Muqdisho, 20 August 2017 –Ra’iisul​ ​Wasaaraha​ ​Xukuumadda​ ​Federaalka​ ​Soomaaliya​ ​Mudane​ ​Xasan Cali​ ​Khayre​ ​ayaa​ ​maanta​ ​imtixaan deeq-waxbarasho ah u furay 2,400 oo arday kuwaas dhamaysatay waxbarashada heerka dugsiga sare, isla markaana ka soo baxay iskuullo ku yaala dalka ​ ​oo​ ​ay​ ​qaadaneyso Jaamacadda​ ​Umadda​ ​Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey dhammaan qeybaha lagu qaadayo Imtixaanaadka, wuxuna bogaadiyey sida hufan ee loo agaasimay hawsha imtixaanka, isagoo dardaaran u jeediyey hawl-wadeenada qaadaya imtixaanka iyo ardayda u fariistay imtixaankan. Waxa uu ardayda u sheegay inay ka faa’iideystaan fursadan muhiimka ah ee hortaala.

“Inagoo og in baahiyo badan oo kala duwan ay jiraan dhanka Waxbrashada, ayaan hadana waxaan diiradda saarnaa baahiyada kuwa ugu muhiimsan inaan sida ugu macquulsan wax uga qabano. Shacabkeena waxaa uu xaq u leeyahay inuu helo adeeg la bixiyo kan ugu wanaagsan dhinac kasta”ayuu yiri R/W oo ka hadlayay muhiimadda ay waxbarashada iyo Imtixaanaadkan u leeyihiin horumarka dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday qoys Soomaaliyeed oo qasaare ka soo gaaray weerar ay koox hubaysan ku qaaday gaari ay saarnaayeen oo marayey gudaha magaalada Muqdisho, waxana uu ilaah uga baryey in intii ka dhimatay uu Janadii geeyo, inta dhaawaca ahna uu u booga dhayo.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah,...

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...