Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo booqday Ciidanka ku jira Xerada 54aad

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi wali Jaamac Warsame Gorod iyo Saraakiil uu horkacayo oo shalay Booqasho ku tagay Magaaladda Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa maanta booqday Xerada 54aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxay soo indha indheeyeen wafdiga Taliyaha uu hoggaaminayo qeybaha ay Xeradaasi ka kooban tahay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga dalka ee Xerada 54aad ku jirta.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Ciidamadii uu booqday, ayaa kula dardaarmay inay daacad u noqdaan shaqada Qaranka ay u hayaan, ayna la yimaadaan hab dhaqan wanaagsan, isagoo xusay in Ciidamadii uu booqday ay qeyb ka yihiin Barnaamijka isku dhafka Ciidamada qaranka oo dowladda Soomaaliya ay wado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...