Madaxweyne C/weli Gaas”Xafiiska UNSOM wax badan ayuu ka qabtey deegaanada Puntland

Date:

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Madaxtooyadda Garoowe casho sharaf ugu sameeyey wefti uu hogaaminayo madaxa xafiiska UNSOM Puntland Mr. Howard Bell, waxaana ay muhiimadda casho sharaftani ahayd sagootin uu Madaxweynuhu u sameeyey  Mr. Howard Bell oo muddo xiliyeedkii shaqadiisu soo gebogebawdey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinayey kulankani casho sharafta ah masuuliyiin ka tirsan golayaasha dawlad Goboleedka Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Mr. Howard Bell uu waxbadan ka Qabtay hawlaha xafiiska UNSOM Puntland muddadii uu ahaa madaxa xafiiskaasi, Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu kaalin lixaadle ka qaatay hanaankii doorasho ee DFS gaar ahaan kuwii ka dhacayey Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne C/weli Gaas ayaa ku amaanay Mr. Howard Bell inuu yahay shakhsi ku suntan shaqo wanaag, daacadnimo, karti iyo aqoon, isla markaana masuuliyad gaara iska saara sidii uu u dardargelin lahaa una meel marinlahaa hawlihiisa shaqo ee ku aadan fullinta mashaariicaha horumarineed ee hay’adda UNSOM ka fulliso dawladda Puntland.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxii hore ee xafiiska hay’adda UNSOM Puntland Mr. Howard Bell guddoonsiiyey hadiyaddo isugu jirey shahaado sharaf iyo sidoo kale abalmarin ahayd hiddiyo dhaqanka Soomaalida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...